Guri Waa Haween: Kartida Haweenka Soomaalida
Description:
"Kuma galo adduunyada Ninna goonni-socodkoo Marwo garasho dheer baa Ninka raga u gudinoo Iyadaa guddoonkiyo Gadh-hayaa naftaadiyo Gaadiidka reerkiyo Gurgurshaaga noqotoo Arrin kula gorfaysee Haddaan gaari kula jirin Illayn noloshu guul ma leh" —Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) “Guri Waa Haween wax buu ku biirin karayaa oo kuma qadi doono, kumana hungoobi doono ruux kasta oo xiiseeya hiddaha iyo dhaqanka Soomaalidu, gaar ahaan waxa uu xog iyo aqoon kobocsan ku kordhinayaa hooyooyinka casrigan ee reer magaalka ah, dhallinyarada rag iyo dumarba, gaar ahaan kuwooda qurba-joogga ah ee ku indha dillaacsanaya hiddaha iyo dhaqammada kale. Qof walba oo Soomaali ah waxa uu buuggu dib u milicsiinayaa oo uu xusuusinayaa waaya-waayo iyo beri hore halkii ay godolba soo joogtey, waana ‘xoorkii laga dhamay xagaagiyo xusuus baa geela lagu xero geeyaa.’ Dadka shisheeyaha ah ee xiiseeya ama dersa hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida waxa uu iyana buuggu ku hubaynayaa aqoon iyo xog aasaasi ah. Dhinaca kalena buuggu waa dawan iyo caroog hurdada ka kicinaya oo baraarujinaya dadka Soomaalida, kuna boorrinaya ama dhiirri galinaya in ay jiifka ka hinqadaan oo dib u soo nooleeyaan dhaqanka iyo aqoonta hiddahooda habaasku fuulay, boodhkana ka jafaan oo ku dhaataan, horena u mariyaan, halkaasna uga sii gudbaan xidhiidhka adduunka kale iyo wixii laga korodhsanayo ama laga soo ammaanaysanayo.”
Want a Better Price Offer?
Set a price alert and get notified when the book starts selling at your price.
Want to Report a Pricing Issue?
Let us know about the pricing issue you've noticed so that we can fix it.